image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla Baydhabo

Baydhabo (Onkod Radio) —  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, ayaa booqday xero barakacayaal oo ku taallo magaalada Baydhabo, si uu ugu kuur galo xaaladda dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qoysaska barakacayaasha ah ka wareystay xaaladdooda, wuxuuna caddeeyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay si degdeg ah isugu dubbarido gurmadka loo fidinayo deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday.

Ergayga Gaarka ah ee madaxweynaha ee gurmad abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna shalay booqday xeryaha barakacayaasha Baydhabo ayaa sheegay in guud ahaan tirada dadka ay abaaruhu saameeyeen inay gaarayaan illaa 6.1 million oo qof oo u dhigmaysa wax ku dhow kala bar shacabka Soomaaliya, halka 2.8 million oo qof oo ka mida dadkaas ay xaaladoodu aad u daran tahay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ku dhowaad 700,000 oo qof inay guryahooda ka barakaceen oo u carareen magaalooyinka waaweyn.

Ergayga madaxweynaha ayaa intaas ku daray in abaaruhu ay saameeyeen 72 degmo oo ka mida 84-ka degmo ee dalku ka kooban yahay, halka 6 degmo oo ka mida 72-ka degmo, ay haatan buuxiyeen dhammaan shuruudihii lagu aqoonsan jiray goobaha ay macaluushu ka jirto.

Xasan Sheekh Maxamud ayaa shalay ku tagay magaalada Baydhabo safarkiisii ugu horreeyay ee gudaha dalka, waxaana socdaalkiisu uu qeyb ka yahay safarro uu ku tegi doono maamul goboeedyada oo loogu magacdaray “Tareenka Nabadda”.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.