image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xasan Sheekh oo safarkiisii ugu horreeyay maanta ku tagaya Baydhabo

Muqdisho (Onkod Radio) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tagaya Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed si uu ula kulmay Madaxda Dowlad-Goboleedkaas iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Abaabulka soo dhaweynta Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka socda Magaalada Baydhabo, wafdi hordhac u ah oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan xarunta Gobolka Bay.

Madaxweyne Xasan ayaa marka uu tago Baydhabo waxa uu la kulmayaa madaxda DG Koofur Galbeed uu ugu derajo sarreeyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Bulshada rayidka iyo dhinac kale oo loosii diyaariyay in ay la kulmaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xog-dhageysan doona xaaladda abaarta ka jirta Deegaannada DG Koofur Galbeed maadaama safarkiisa uu ku wehlinayo Ergayga u qaabilsan arrimaha gargaarka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho 15kii May 2022 waxa uu socdaalkaan uga dhigan yahay safarkii ugu horreeyay uu uga ambabaxo Caasimadda tan iyo dib u doorashadiisa.

Waxa uu qorshuhu yahay in uu safarro ku tago xarumaha Dowlad-Goboleedyada si uu xuuraansi iyo xog dhageysi usoo sameeyo, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday in Dowladdiisa xoogga saareyso Dib u heshiisiinta, Amniga, Dhaqaalaha & qodobo kale.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.