image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muxuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur kala hadlay Wasiir Khadiijo iyo wasiiro goboleedyada dalka

Muqdisho (Onkod Radio) —  Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa caawa kulan fogaan arag ah la yeeshay dhammaan wasiirrada Gargaarka dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah dowladda federaalka, xubno kale oo ka kala tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka gargaarka ee XFS Khadiijo Maxamed Diiriye.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay mudnaan-siinta Gurmadka Abaaraha iyo sidii si wadajir ah la iskaga kaashan lahaa caawinta ummadda Soomaaliyeed ay abaaruhu halakeeyeen.

Wasiirradu waxay boggaadiyeen Madaxweynaha dawlada federaalka mudnaanta uu siiyey Gurmadka Abaaraha iyo in uu magacaabay Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha.

“Waxa ay sidoo kale wasiirradu ballan qaadeen in ay wada shaqayn buuxda la yeelanayaan ergeyga, iyagoo soo dhoweeyey sida dardarta leh ee uu Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha uu u dhaqaajiyay howlaha Gurmadka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ugu danbaynii Ergeyga iyo wasiirrada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka waxa ay isla qaateen in kor loo qaado wacyiga bulshada iyo in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.