image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Hanti-dhawraha oo su’aalo weydiiyey wasiirka uu R/W Rooble shaqada ka joojiyay

Muqdisho (Onkod Radio) — Xubno ka socday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa maanta la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisaciid Muuse Cali ee dhawaan shaqada uu ka joojiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hore ugu eedeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku takrifal awoodeed markii uu ku sameynayay shaqo joojinta

Kulanka Cabdisaciid iyo xubnaha ka socday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa yimid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha dalbaday in Hanti-dhawrka iyo Hay’addaha amnigu ay baaritaan ku sameeyan tallaabooyinka Wasiirka, gaar ahaan fasaxida Markab siday dhuxul sharci daro ah.

Wasiirka shaqada laga joojiyay ayaa dhankiisa xaqiijiyay kulankaan, isaga oo qoraal uu soo saaray ku yiri “Maanta waxaan kulanay xubno ka socda Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka. Waxaa ka wada-hadalnay sida ay wax u jiraan. Waxaana ka warsugaynaa wixii ka soo baxa.”

24-kii bishaan ayay aheyd markii uu Ra’iisul Wasaar Rooble shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda, sidoo kalena uu baabi’iyey warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xirnaa xeebaha dalka Cumaan.

Arrimahaan ayaa imanaya kadib markii uu Rooble sharci darro ku tilmaamay shaqaalaha Wasaaradda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday laga soo bilaabo kowdii Janaayo 2022, uuna amray in shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.