image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Somaliland oo si weyn uga hortimid go’aan kasoo baxay DF oo lagu kala qeybiyay

Muqdisho (Onkod Radio ) – Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag uga hortimid sida ay dowladda federaalka Soomaaliya, u go’aamisay tirada Xujeyda uu Sacuudigu siiyay, taasi oo ay ku dooday inay Somaliland ku laheyd 40%.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa ku eedeyay dowladda federaalka inay ku takri-fashay qoondadii uu Sacuudiga ugu tala-galay Somaliland, islamarkaana ay siyaasadeysay arrimihii Xajka ee sanadkaan.

Waxa uu sheegay in qoondada Xajka ee ay laheyd Somaliland ay gaareyso 2082 Xaaji, halka dowladda federaalka ay sheegtay inay Somaliland ka xajinayaan 350 Xaaji, taasi oo uu ganafka ku dhuftay Wasiirku.

Dowladda Sacuudiga ayaa u qoondaysay Somaliland iyo Soomaaliya oo isku jira inay sanadkaan ka xajaan 5206 Xaaji, waxaa caado aheyd in tirada Xajka ay labada wadan kala qeybsadaan, hase yeeshe waxay sheegen.

“Waxaa maanta nagu kalifay in aan war-murtiyeedkan soo saarno marka aan aragnay nidaamka ka jira Muqdisho ee uu hogaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay si badheedh ah ugu takri-faleen qoondadii Xajka ee ay jaan-gogeysay dowladda Sacuudiga.”

Waxa xusid mudan in tallaabada uu sheegay Wasiirka in loogu takri-falay qoondadii Somaliland ee Xajka sanadkaan uu ka dambeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda xil-gaarsiinta.

Arrintan ayaa imaneysa maalin kadib markii uu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Cumar Cali Rooble uu shaaciyay inay 63 Shirkadood ay si hordhac ah ugu guuleysteen bixinta adeega Xajka ee sanadkaan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.