image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shaqada ka joojiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda

Muqdisho (Onkod Radio ) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu shaqada ka joojiyey wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, laga billaabo maanta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aankan sabab uga dhigay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay fasaxday markab siday dhuxul si sharci darro ah looga dhoofiyay Soomaaliya oo ku xirnaa xeebaha dalka Cummaan.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu sidoo kale baabi’iyay warqadaha Wasaaradda ee lagu fasaxay markabka, maadaama, buu yiri, ay khilaafsan yihiin shuruucda qaranka iyo kuwa caalamiga ah halisna ku yihiin dalka.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha ayaa faray xafiiska Hantidhowraha Qaranka iyo Hay’adaha amniga in ay baaritaan ku sameeyaan arrintan iyo sidii ay dhacday, ayna u gudbiyaan hay’daha garsoorka ee ku shaqada leh.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sidoo kale Rooble warqad uu soo saaray 14-kii bishan, uu ku baabi’iyey dhammaan shaqaalaha dowladda ee wasiirka uu beddelay ama shaqada ka qaaday laga billaabo Janaayo 1, 2022, taasi oo uu sheegay inaysan waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirrada.

“Waxaa la farayaa Wasiirka in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo hawlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqaynayeen si ay u gutaan wajibaadkooda shaqo,” ayaa lagu yiri warqaddaas.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisaciid Muuse ayaan si deg deg ah loo helin karin si uu uga jawaabo tallaabada ra’iisul wasaaraha iyo eedaha loo jeediyey.

VOA SOMALI

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.