image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Deg Deg, Rooble oo shaqo joojin ku sameeyay wasiirka arrimaha dibadda + sababta

Muqdisho (Onkod Radio ) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiirka arrimaha dibadda, Cabdisaciid Muuse Cali, kadib warqad uu soo saaray.

Rooble ayaa eedeyn culus u jeediyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana eedaha loo jeediyey ka mid ah ku takrifal awoodeed.

“Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha debadda Cabdisaciid Muuse Cali,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu baabi’iyey warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xernaa xeebaha dalka Cumaan.

Ugu dambeyn wuxuu ra’iisul wasaaruhu faray hanti dhowraha qaranka iyo hay’adaha amniga inay baaris dheeraad ah ku sameeyan falka uu sameeyey wasiirka.

Shalay ayey aheyd markii Rooble uu soo saaray amar culus oo si toos ah ugu socday wasaaradda arrimaha dibadda, kaas oo la xiriira shaqaalihii laga saaray wasaaradda.

Rooble ayaa wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ku wargeliyey in laga bilaabo kowdii Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii horey uga soo baxay Golaha Wasiirada, wuxuuna amray in shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda , dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo adayo, iyada oo dalka uu ka dhacay isbedal siyaasadeed, waxaana wasiirka arrimaha dibadda uu ka mid ahaa saaxibada siyaasadeed ee Farmaajo.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.