Muqdisho (Onkod Radio) Ciidamo taabacsan dowladda ayaa maanta weerar ku qaaday xarun ay ku shirsanaayeen qaar ka mid ah dhaqanka oo maalmahaan – waa-waan ka waday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka – iyo musharax madaxweyne Xasan Cali Kheyre.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah oo isla markiiba loo cararay goobaha caafimaadka.
Musharax madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in la soo weeraray hooyga uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho xilli uu la shiraayay Ugaas Murusade Ugaas Cabdirisaq Ugaas Cabdullahi iyo odoyaal dhaqameedka kale.
Odoyaasha dhaqanka oo u kala dabqaadayay Xasan Sheekh iyo mucaaradka ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan.
Weerarkan ayaa waxaa cambaareeyay madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheikh Axmed oo sheegay ayaa ku tilmaamay weerarka tallaabo uu Xasan Sheekh ku doonayo in dhiig fara badan ku daadiyo.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka imaanaya xubnaha beesha Caalamka baaqyo isdaba joog ah oo ay uga digayaan in dagaal ka hadal ah uu dhawaqo, uguna baaqayay in mucaaradka iyo dowladdu ku dhameeyaan khilaafkooda wada hadal.

