Onkod Radio (Muqdisho) Xaaladda Siyaasadda Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid gashay xaalad kala guur ah oo hubinti la’aanta ah, laga soo bilaabo markii Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxtooyada ay ku darsadeen min hal sano oo dheeri ah.
Marxaladdan ayaa maalinba maalinta ka dambeysa isa soo tareysay, balse maalintii shalay ee ciidda ahayad marka aad fiiriso hadalada xanafta ah ee ay hawada isu marinayeen madaxda dowladda Federaalka ah, mucaaradka, Madaxweynayaasha maamul goboleedka Galmudug iyo Jubbaland, waxaa muuqaneysa in hadaladaasi xanafta leh inay xaaladda sii adkeeyaan mooyee, aanan horseedeyn xal waara oo lagu wada heshiis yahay, gaar ahaa doorashada Galmudug iyo tan federaalka ah.
Marka aad tusaale u soo qaadato doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo, oo illaa iyo hadda aan caddeyn meesha ay ku dambeysay, taasoo ay u sii dheer tahay qalalaasaha amni darro ee ka jira magaalada gaar ahaan dhaca lagu hayo shacabka, jabhadda hubeysan ee ka dhalatay kadib markii magaalada ay dowladdu xoog ku qabsatay. Waa sunno xun oo waddo jabhadeyn ah u fureysa maamulada kale ee dalka ee aan ku qanacsaneyn xukuumadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Mucaaradka oo maalinba maalinta ka dambeysa qabanaya shirar ja’raa’id iyo dhallinyarada Muqdisho oo ka gadoodsan muddo kordhinta ee qabanaya mudaaharaadyada looga horjeedo dowladda iyo xarrigga joogtada ah ee lagu dhallinyaradaas uma muuqdo mid ku dhamaanaya guul raacda dhinaca dowladda.
Boobka dhulka oo xukuumadda, haddiiba ay sharaf u haray la galay dhulka, oo dowladdu si ka fiirsi la’aan ah u gashay, waxa uu keliya ay dhiirigelineysaa kacdoonka Muqdisho oo cirka isku shareera.
Intaas waa sii dheer, abaaraha galaaftay dalka oo ay sababeen roob la’aantii dalka ku habsatay, taasoo sababtay in xoolaleydii inay xoolahooda ba’aan iyo beeraleyda ay ka qaxaan beerahooda.
XALKA:
- Dowladdu waa inay sumcaddeeda iyo karaamadeeda soo celisaa oo dadkii dhulka laga boobay ay u celisaa dhulalkooda ama u dhistaa guryo u dhigma, si xaaladda kacsanaanta ee magaalada Muqdisho ay u maareyso.
- Dowladdu waa inay la hadashaa mucaaradka, islana meel dhigaan istiraatijiyad wada ogol ah oo ku aaddan qaabka iyo gooreynta doorashada.
- Dowladdu waa inay xal u heshaa jabhadda ka dhalatay kadib markii xoog looga qaaday xilka, waayo xal u helidda jabhaddaas waa furaha guusha dowladda, oo haddii ay ku guul dareysato ay horseedi doonto in qolo walba deegaanadooda uga jabhadeeyaan dowladda.
- Ugu dambeyn, Dowladda inay xal u heshaa dadka abaaruhu barakiciyeen, kana shaqeysaa sidii ay beerahooda loogu celin lahaa si ay beerahooda u tabcadaan. Gargaar bani’aadanimo ma ahan istiraatijiyad muddo fog xal u keeni karto.
WQ: Tifaftiraha Guud

