image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

26-ka JUUN Muuse Biixi & MD Xasan oo jeediyay hadalo iska soo horjeeda

Hargaysa (ONKOD) Munaasabad  loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 63-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobolada Waqooyi ee Somaliland xuriyadda ka qaadateen dalka Ingiriiska, ayaa  lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda 63-guurada ,, isaga oo si waafi ah u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee xorriyadda loosoo maray iyo sidii hubsiimo la’aanta ahayd ee xorriyadddaas shuruud la’aanta loogu wareejiyey Soomaalidii Koonfureed ee talyaanigu gumaysan jirey.

Waxa uu intaas ku daray in aanay kala raysan Waqooyiga & Koofurta Soomaaliya welina ay taagan tahay baahida midnimada sidaas awgeed aanay laga maarmin wadajirka iyo wax isku darsiga waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

“Way nagu daahday in aan mar hore xalino ayay ahayd oo garowshiyo badan la isasiiyo oo wixii dhacay sidii aanay dib dambe u dhici lahayn laga heshiiyo, Waqooyi nagama raysan anagana kama aanay raysan, Waqooyi waa meel nabdoon horayna waan u bogaadinayay haddana waan bogaadineynaa” ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Dowladdu ay diyaar u tahay waddo kasta oo lagu xalin karo tabashooyinka jira, isaga oo bogaadiyay waxyaabaha ay qabsadeen Gobollada Waqooyi (Somaliland) inta ka harsanna ay tahay arrin u baahan wadajirka.

Madaxweynuhu waxa uu ka digay in nabadda iyo xasiloonida la mijo xaabiyo, dhinacna laga doono ictiraaf iyo dawladnimo,“Isku heli mayno inaynu qaran noqonno iyo inaynu nabadda la dagaallano, iskuna heli mayno inaynu ictiraaf helno iyo inaynu kala dambaynta diidno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.