image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

15 qof oo ku geeriyooday isbuurasho ka dhacday Hindiya

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen isbuurasho xalay fiidki ka dhacday bosteejo tareenka laga raaco oo ku taalla magaalada New Delhi ee caasimadda Hindiya.

Khasaaraha isbuurashada ayaa saakay oo Axad ah waxaa warbaahinta u xaqiijiyay, wasiiru-dowladaha caasimadda.

Shilkan ayaa dhacay abaaro siddeedii fiidnimo ee xalay waqtiga Delhi, kaddib marki ay is riixeen dad u socday magaalada Prayagraj, oo ay ka socoto munaasabad diineed oo ay leeyihiin dadka Hinduuga ah.

Dhimashada ayaa isugu jirta 10 haween ah iyo saddex caruur ah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Warbaahinta ayaa soo bandhigtay muuqaalo iyo sawirro tusinaya dad badan oo ku soo yaacaya maxaddada tareenka, iyadoo booliska iyo kooxaha gurmadka ay ku dadaalayeen sidii ay u yareyn lahaayeen ciriiriga.

Wasiirka ugu sareeya New Delhi, Atishi, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay, in qaar badan oo ka mid ah dhibanayaasha ay ahaayeen dad u socday ziyaaro diimeed-ka Maha Kumbh oo ka mid ah caqiidooyinka dadka aaminsan diinta Hinduuga.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.