image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

145 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa Xabsiyada Libiya oo maanta dalka dib loogu soo celiyay

Dowladda  Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro Soomaaliyeed oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libiya.

145 Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa maanta dowladda Soomaaliya waxa ay kasoo dejiysay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay  mas’uuliyiin kale iyo madax ka socotay hay’addo Caalami ah.

Qaar kamid ah dhallinyarada dalka ku soo laabtay, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in dalka ku soo laabtaan, iyaga oo sheegay in rafaad adag ay kula kumeen dalka Libiya, waxa ayna qireen in ayaga ay go’aansadeen in dalka ay ku soo laabtaan, markii qaar kamid ah saaxiibadood ay ku geeriyodeen xasbiyada ay ku xiranaayeen.

Isaaq Maxamuud Mursal oo ah wasiirka ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda, oo goobta ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in dalka ay ku soo celiso dib walbo oo duruuf adag kala kulanta Tahriibka.

Wasiirka oo  sii hadlayay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wacyi-gelin doonaan dhallinyarada Soomaaliyeed, si kuwa qorsheynaya Tahriibka looga celiyo oo ay dalkooda u joogaan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.