image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

100 qof oo ku dhintay dagaal dhex maray kooxo dahab ka qota dalka Chad

Muqdisho (Onkod Radio) — Wararka ka Imanaya dalka Chad ayaa sheegaya in in kabadan 100 qof ay ku dhinteen isku dhacyo dhex maray kooxaha dahabka ka qota woqooyiga dalkaasi, sida laga soo xigtay masuuliyiinta dalka Chad, sidoo kalena waxaa dagaalkaas ku dhaawacmay in ka badan 40 qof oo kale.

Iska hor-imaadyada ayaa badankoodu waxay dhaceen 23-kii iyo 24-kii bishan May, waxayna ka dhaceen degmada Kouri Bougoudi oo u dhow xuduuda dalka Chad uu la wadaago Libya. Goobta weerarku ka dhacay ayaa la soo sheegayaa inay ka mid tahay meelaha aan sida sharci-darrada ah ay dadweynuhu uga qotaan dahabka.

Wasiirka gaashaandhiga ee dalka Chad ayaa maanta oo Isniin ahayd sheegay in dagaalku uu goobaha dahabka laga qoto ka bilawday xilli habeenimo ah, balse faahfaahin intaas ka badan kama bixinin sababta keentay dagaalka. Hase ahaatee wasiirka warfaafinta ee dalka Chad ayaa sheegay in weeraradu ay dhex mareen kooxo carab ah oo ka soo gudbay xuduudda dhinaca Libya iyo qowmiyadda Tama oo deggam dhinaca bari ee dalka Chad.

Dawladda Chad ayaa haatan mamnuucday hawlaha macdan qodista ee deegaannada Kouri Bougoudi, iyada oo halkaas ka daadguraysay dadweynihii goobtaas ku noolaa.

Dalka Chad ayaa ku lug leh dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo kooxaha fallaagada ah ee ku hanjabaya inay ridi doonaan dowladda ku meel gaarka ah ee uu hogaamiyo wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Idriss Deby. Hase yeeshee, ma jirin wax muujinaya in kooxaha argagixisada ama dembiilayaasha ay door ku lahaayeen rabshadaha macdanta.

VOA SOMALI

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.