image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Yoweri Museveni, wuxuu si cad u sheegay in dalkiisa uusan awood buuxda oo dhaqaale u ahayn bixinta mushaarka Ciidamada

Muqdisho (Onkod Radio) — Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ka hadlay dhibaato ka haysato la dagaalanka kooxda Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya u noqon karto qaran jira.

Museveni ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, laakiin wuxuu si cad u sheegay in dalkiisa uusan awood buuxda oo dhaqaale u aheyn bixinta mushaarka ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan Soomaaliya ka caawin karnaa sidii Al-Shabaab looga adkaan lahaa, haddii ay tahay su’aashu hub, waan iibsan karnaa, dareys waan iibsan karnaa oo xitaa cunno ayaan qeybin karnaa, laakiin ma maarayn karno mushaarka,” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in wax sii socon karo aysan aheyn tababarka iyo habeynta ay ciidamada dowladda ku wadaan dalalka Imaaraadka, Qatar iyo Turkiga mana uusan faahfaahin sababta uu hadalkaas u yiri.

Museveni ayaa intaas kusii daray in nabadgelyadu ay lama huraan u tahay jiritaanka qaran Soomaaliya iyadana laga rabo inay hesho wadadii ay guusha ku gaari laheyd.

Hadalkaan ayuu Museveni ku sheegay khudbad uu ka jeediyey kulankii uu magaalada Kampala kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah halkaas ku jooga.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.