image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xubno katirsan Al-shabaab oo galay tuulo ku taalla dalka Kenya

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa bilaabay howlgal ballaaran kadib markii ugu yaraan 100 dagaal-yahannada al-Shabaab ay galeen aafad ku taalla magaalo-xeebeedka Lamu ayna wacdi u qabteen dadka deegaanka.

Madaxa Lamu Wesley Koech ayaa warbaahinta gudaha ee Nation u sheegay in kooxdu ay gashay xaafadda Mangai xilli dambe Sabtidii.

Ragga tuulada soo galay ayaa isu keenay inta badan dadka deegaanka ee Muslimiinta ah, wacdi u qabtay una qeybiyay timir, sida ay baahisay warbaahinta Daily Nation.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Nation u sheegay in kooxdu ay u jeedisay wacdi ku saabsan Islaamka.

Wax dhibaato ah kooxdu uma aysan geysan dadka deegaanka.

Koech ayaa ku boorriyay dadka in warbixinta kooxda ay la wadaagaan laamaha ammaanka, isagoo intaa ku daray inaysan jirin wax walaac abuuri kara.

Deegaanka Lamu oo dhaca Badweynta Hindiya, qiyaastiina 240km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Mombasa, ayaa ah meel dalxiis oo ay inta badan ajaanibtu u dalxiis tagaan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.