image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

XOG : Villa Somalia oo joojisay maanta dibadbax lagu taageeri lahaa RW Xamse

Muqdisho (ONKOD) Maanta oo  Axad ah magaalada Muqdisho waxaa  lagu waday in uu ka dhaco dibadbax  lagu taageeri lahaa hadal dhawaan ka soo yeeray RW Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Bare.

Dibadbaxan waxaa riixayay inuu dhaco xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo  gobolka Banaadir , waxaana lagu waday inuu kadhaco Beerta Nabadda oo kaabiga ku haysa Madaxtooyadda.

Warar  goordhaw soo baxay ayaa sheegaya in gabi ahaanba la joojiyay dibadbaxan isla markaana lagu wargaliyay xafiiska Ra’iisulwasaaraha in gabi ahaanba la joojiiyo dibadbaxaas.

Amarka joojinta dibadbaxan ayaa la sheegay inuu ka soo baxay Villa Soomaaliya oo maalmahanba culays ku haysay xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaliya sabab la xiriirta sida indha la’aanta ah ee u taageeray kooxda Xamaas.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho si aad ah looga dareemayay diyaargarowga  banaanbax balaaran oo lagu taaraayo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Hadalka Ra’iisulwasaaraha uu ka sheegay meel fagaaraha oo uu ku sheegay in Xamaas aysan ahayn argagaxiso ayaa xajiijiin ku keentay Dowladda  Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa culays lagu saaray tan iyo markii hadalkaas ka soo yeeray Xamse Cabdi Barre inuu xafiiska uu ka eryo  Ra’iisulwasaarihiisa .

Lama oga talaabada kale ee uu qaadi doono xafiiska Ra’iisulwasaaraha ee maanta laga joojiyay dibadbaxan lagu taageeri lahaa

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.