image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xildhibaanada Shahaadada qaatay oo aad u kordhay Tirada

Muqdisho (Onkod Radio) – Waxaa aad u kordhay tirada xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka ee qaatay shahaadada, taasi oo ka dhigan in jadwalka lagu dhaarinayo 14-ka April uu u muuqdo mid hirgeli doona, soona dhoweyneysa dhammaadka doorashada daba-dheeraatay. 

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay shahaadada xildhibaannimo qaateen 58 xildhibaan, oo ka kala socda dhammaan maamullada dalka ee doorashooyinku ay ku dhaceen. 

Waxaa sidoo kale shalay shahaadada qaatay 54 xildhibaan, taasi oo ka dhigan in labadii maalmood ee ugu horreysay shahaado la siiyey 112 xildhibaan oo ka mid ah 329-ka xildhibaan ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. 

Shahaado qaadashada maanta ayaa waxaa sidoo kale sii xoojisay ayada oo xildhibaano laga soo doortay Koonfur Galbeed ay jebiyeen isbaaradii uu Cabdicasiis Lafta-gareen doonayey inuu u dhigto shahaado siinta xildhibaanada, isaga oo ka careysan saddex kursi oo doorashadooda dib loogu celiyey.

Xildhibaannada ka mid ah kuwa Koonfur Galbeed ku metalaya Baarlamaanka Federaalka ee qaatay Shahaadooyinka waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe, iyo Shariif Maxamed Cabdalla iyo Cabdulllaahi Aadan Axmed.

Xubnahan ayaa aheyn kaliya xildhibaano, balse siyaasiyiin miisaan culus, ayada oo Aadan Madoobe iyo Shariif Maxamed ay u taagan yihiin xilka guddoomiyaha golaha shacabka. 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.