image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xeer ilaalinta & Taliska Booliska oo war kasoo saaray dilal aanooyin Qabiil oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Onkod Radio) —  Iyada oo saacadihii la soo dhaafay dilal la xiriira aanooyin qabiil ay ka dhaceen degmada Kaaraaan ee gobalka Banaaadir ayaa laamaha ammaanka Soomaaliya waxa ay shir deg deg ah ka yeesheen arrintaas. Shirka oo ka dhacay degmada Kaaraan ayaa waxa diiradda lagu saaray sidii loo dhammeyn lahaa dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee ka dhaca degmada waxaana kulanka goob joog ka ahaaa Taliyaasha Saldhigyada Qeybta Bari ee gobalka Banaadir, Afhayeeenka Ciidanka Booliiska, Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxakamada Ciidamada qalabka sida iyo Maamulka degmada oo uu ugu horreeyo guddoomiye Abshir Kaaraaan. Shirka ayaa laga soo saaray go’aano la xiriira sidii ay dhacdooyinka noocaan ah aysan u soo laaban lahayn waxa ayna dhinacyadu isku raaceen in howlgallo lagula dagaallamayo kooxaha amniga qal qalgelinaayo laga billaabo degmada sidoo kalena sharciga lamarsiindoono dadka ku howlan arrimaha noocaan ah. Afhayeenka Ciidanka Booliiska Saadaq Doodisho oo faah-faahiyay u jeedka kulanka waxa uu sheegay in laamaha ammaanka ay la xisaabtami doonaan dadkii ka dambeeyay dilalka saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Kaaraaan. Sidoo kale xeer ilaaliya ku xigeenka maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa sheegay in dhacdooyinka noocaan oo ay geystaan ciidamada dowladda ay ku soo laa laabteen gobalka Banaadir gaar ahaan degmada Kaaraan waxa uuna lamaha Ammaanka faray in si deg deg ah ay Maxkmadda u hoorkeenaan si sharciga loo marsiiyo. Dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir ayaa waxaa lagu dilay Saddex Qof ,waxaana dilalkaasi ay la xiriiraan aanooyin qabiil, iyadoona dadka deggan degmada Kaaraan ay qaati ka taagnaayeen kooxo burcad ah inta badana loo yaqaanno Ciyaal Weero.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.