image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xasan Sheekh oo si deg deg u dalbaday sii joogitaanka Ciidanka ATMIS

New York (ONKOD) Dowlada Soomaaliya ayaa ka codsatay Qaramada midoobay in la hakiyo Wajiga labaad ee Qorshaha bixitaanka Ciidamada ATMIS kaasoo qorshuhu yahay in 3000 oo Askari ay ka baxaan Dalka dhamaadka Bishan.

Warqad si deg deg ah lagu soo qoray oo uu soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gaartay Madaxweynaha Golaha Amaanka ee QM, iyadoo ogeysiin la siiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Xasan wuxuu codsaday in dib loo dhigo bixitaanka 3,000 ATMIS ee bishan (September 2023) dhammaadkeeda bixi doona. Waxaana ugu daran Villa Somalia iyo Barlamaanka oo qorshuhu yahay in ATMIS ka guurto Isniinta 25/09/2023.

Hadda waxaa jawaab laga sugayaa Golaha Amaanka. Xamze ayaa lagu amray inuu madaxda New York joogta mid mid u raadiyo oo taageero uga raadiyo arrinkan.

Dhibaatada ugu weyn ee saaxiibada reer Galbeedka ay sheeganayaan waa dhaqaale dambe inaan loo heyn ATMIS.

Goobaha la qorsheeyay in Ciidamadan ATMIS ka baxaan bishan waxaa ka mid ah Madaxtooyada Soomaaliya iyo fariisimo kale oo ku yaala Gobolada Dalka.

Dowlada waxay sheegtay in aaney wax isbadal ah ku imaan doonin qorshaha ay ATMIS guud ahaan uga baxayaan dalka dhamaadka Sanadka soo socda balse waxa ay hadda dalbatay mudo 90 cisho ah in dib loo dhigo bixitaanka 3000 kun ee Askari.

Lama oga jawaabta Qaramada midoobay ka bixin doonto codsiga dowlada Somalia oo ku soo beegmay xili ciidanka ATMIS ay bilaabeen qorshaha dabayaaqada bishan dalka looga saarayo 3000 kun

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.