image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Weerar ku billowday qarax oo lagu qaaday guri ku yaalla xaafadda Mirinaayo

Miqdisho (Onkod Radio)  – Weerar ku billowday qaraxyo ayaa lagu qaaday guri ku yaalla xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Goobjoogayaasha ku sugan aagga Mirinaayo ayaa sheegay in la maqlay jugta qarax culus kadibna ay xigtay rasaas xooggan oo sida la rumeysan yahay ay is-weydaarsanayeen ciidamada dowladda iyo kooxda weerarka soo qaaday.

Guriga ayaa xog aan ka helnay waxay sheegeysaa inay ku sugnaayeen qaar ka mid ah ciidanka deegaanka oo kusoo dhaawacmay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu guriga ku sugnaa taliye ka mid ah kuwa hogaaminayey dagaalka gobolka Hiiraan.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli war kasoo saarin weerarkan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa warbaahinteeda ku sheegtay in maleeshiyada kooxda ay fuliyeen weerarka, islamarkaana ay gudaha u galeen guriga oo sida ay sheegeen ay ku sugan yihiin saraakiil sare.

Goor hore oo maanta ahna qarax kale oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka badbaaday sarkaal ka tirsan laamaha amniga ah.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayey dhowrkii toddobaad ee tegay, waxaana soo kordhay dilalka iyo qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab ka gaysato caasimada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.