image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wasiirka Cadaaladda ee XFS oo la kulmay wefdi ka socda wasaaradda Cadaaladda Masar

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka  ee  Soomaaliya,  Xasan Macallin Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Cadaaladda ee Masar.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga garsoorka ee labada dal iyo horumarinta nidaamka cadaaladda Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Cadaaladda, Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda wafdigaan lagu qaabilayay.

Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sheegay in kulamadan ay dhameystirayaan wadahadalladii dhacay safarkii shaqo ee uu ku tagay Masar bishii Nofeembar ee lasoo dhaafay, iyadoo la isla gartay xoojinta iskaashiga tababarka garsoorka iyo cusboonaysiinta shuruucda si kor loogu qaado hufnaanta iyo waxtarka hay’adaha cadaaladda ee Soomaaliya.

Sidoo kale wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar wada shaqeynta joogtada ah, isagoo muujiyay muhiimada iskaashiga garsoorka ee labada dal si loo xaqiijiyo horumar waara iyo xasilooni siyaasadeed.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.