image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wasiir Huruuse oo is casilay si  uu ugu tartamo hoggaanka Puntland

Garoowe (ONKOD) Wasiirkii Arrimaha dibada ee Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa is casilay xilka wasiirnimo asagoo kamid noqonaya Musharaxiinta uu taagan xilka madaxtinimada Puntland 2024.

Qoraal uu wasiirka goordhaw soo saaray ayuu ku sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka oo xilkan soo hayay muddo ku dhow sanad iyo bar ayaa ayaa sheegay inuu iskiis u go’aansaday inuu ka tago shaqada, sida uu ku sheegay qoraalka uu soo saaray.

“Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga,” ayuu yiri Wasiir Haruuse.

wasiirka is casilay ayaa u tartamaya xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo bisha Janaayo la filayo in ay ka qabsoonto magaalada Garawe, wasiirka ayaana taageero weyn ka helaya madaxtooyada Soomaaliya.

Abshir Huruuse wuxuu u mahadceliyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, maadaama ay muddo soo wada shaqeeyeen, isaga oo xukuumaddiisa u rajeeyay guul iyo horumaro kale.

Haruuse ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan dowladnimada, si looga gaaro horumar iyo barwaaqo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.