image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Warqad Laguu Jarey Kama Tarjumi Karto Jinsiyaddaada iyo waxa aad tahay!

Muqdisho (ONKOD) Warqad kii bixiyey kaala laaban karo iyo jinsiyadda shaqsiga ama muwaadinnimadu iskuma xirna. Soomaalidu hore ayey jaha wareer ugu jirtey, waxaase hadda muuqaneysa in mid cusub la dhex geynayo, kaas oo khatar ku noqon kara jiritaanka Jamhuuriyadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

La yaab ayey igu noqotey, in Madaxweynaha kooxda Villa Somalia uu warbaahinta la soo istaago in qofka aan warqadda aqoonsiga qaadan uu Somali noqon doonin!

Ma faham darro ayaa u geysey mise fadarada dhinacyadiisa joogta ayaa ku falaadeysa?

Warqaddaani waxay noqon kartaa caddeyn shaqsi oo xanbaarsan xogta shaqsiga oo kali ah, siyaasaddeeduna waa ay in noqotaa mid heshiis lagu yahey.

Sida dad badan ay qabaan, ayaan aniguna aaminsanahey in haddii warqaddaasi ay si sax ah u dhaqan gasho, ay amniga, maamulka iyo dhaqaalahaba wax ku kordhin karto.

Haddii warqaddaan dhinaca wanaagsan loo adeegsado, waxay ka qeyb qaadan kartaa: Hubinta shaqsiga; baarista danbiyada; gaarista caddaaladda, sugidda adeegyada bankiyada, safarada gudaha, sugidda bixinta adeegyada kale, sugidda guurka iyo furriinka, iwm.

Sanadkii 2013 ayaa la isku dayey in la sameeyo warqaddaan oo kale iyada oo aan la qorsheyn, laga doodin, heshiisna lagu aheyn, waxayna ku dhammaatey fashil iyo ceeb.

Haddii arimaha ku hor go’an dhaqan galka warqaddaan aan xal loo helin, waxay noqon doontaa warqad xaafaddii ogol ay qaadato, mana yeelan doonto qiimo sharci.

Kooxda kooxda Villa Somalia waa lagu yaqaannaa in mabaadi’da bariis lagu baddasho, waana ka digayaa arintaas.

W/Q Maxamed Aadan Koofi.

 Agaasimihii hore hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.