image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Turkiga oo si adag u cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee xerada General Dhagabadan

Ankara (Onkod Radio) — Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay xerada tababaraka ciidamada ee General Dhagabadan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed goor dhaweyd kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda dalkaas.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkaas foosha xun ee argagixisanimada ahaa, waxaana u rajeyneynaa in Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee aynu nahay saaxiibada iyo walaalaha” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda.

“Turkiga wuxuu sii wadi doonaa taageerada Soomaaliya eedagaallanka ay kula jiro argagixisada wax walba oo ay awooddo” ayuu raacisay wasaaradda arrimaha dibadda Turkey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xalay u sheegay telefiishanka Universal TV in dawladda Turkigu ‘kusoo biirtay’ in ay taageero dhinaca cirka ah siiso ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dawladda Turkiga ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin inay taageero cirka ah siiso Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.