image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Trump iyo Zelensky oo hadallo kulul isweydaarsaday

Kulan shalay Aqalka Cad ku dhexmaray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensk, oo ujeeddadiisu ahayd sidii uu Mareykanka u heli lahaa xuquuqda macdanta dhif iyo naadirka ah ee Ukraine, ayaa isu bedealy mid hadallo kulkulul ay labada hoggaamiye isku weydaarsadaan

Trumpna ayaa ku yiri Zelenskyy, “Ama heshiis ayaad gelaysaa ama howhsan waanu ka baxnay”.

War qoraal ah oo uu soo dhigay baraha bulshada kulanka kadib ayuu madaxweyne Trump ku tilmaamay in heshiiska la soo jeediyay uu meesha ka baxay.

Trump ayaa yiri “Waxaan go’aansaday in madaxweyne Zelenskyy uusan diyaar u ahayn Nabadda haddii Maraykanku uu ku lug yeesho, sababtoo ah wuxuu dareemayaa ka qaybqaadashadayadu ay siinayso faa’iido weyn oo ku saabsan wada xaajoodka,”

Hadallada kukulul ee ay madaxdan isweydaarsadeen ayaa qaatay muddo 40 daqoiiqo ah oo ay ku sugnaayeen Xafiiska Oval Office ee Aqalka Cad.

Madaxweyne Donald Trump iyo Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa labaduba ku canbaareeyay Zelenskyy, inuu ku abaal dhacay garab istaagii Mareykanka.

Zelenskyy oo isna doodo kulkulul oo mararka qaarna ay madaxdu iska garab hadlayeen soo jeediyay ayaa goor hore ka baxay Aqalka Cad, waxaana la baajiyay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u madaxdu u qaban lahaayeen.

Goor dambe ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka ka hor inta uusan ka tagin Aqalka Cad in wadahadallada “aanay si sax ah u dhicin .” Trump ayaa sheegay in haddii Maraykanku uu saxiixo heshiiska macdanta, ay tahay wax uu ku farxi lahaa, laakiin uusan rabin inuu saxiixo ka hor inta uusan xaqiijin in dagaalka Ukraine uu joogsan karro oo Zelenesky uu diyaar u yahay nabad.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.