image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Taliyihii Kumaandooska Danab oo xilkii laga qaaday iyo Taliye cusub oo la magacaabay

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Ganeral Odowaa Yuusuf  Raage, ayaa xilkii ka qaadey Gaashaanle Carab Dheeg Axmed oo ahaa Taliyihii ururka 162aad ee Kumaandooska Danab, kaas oo fadhigeedu ahaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose,

Xilka qaadista Taliye Carab Dheeg ayaa imaaneysa xilli uu shaley dhaliilay go’aan ay dawladda Xasan Sheekh ku dalacsiisay askar la sheegay in ay ka soo goosteen dawlad goboleedka Jubaland dagaalka siyaasadeed ee Axmed Madoobe dartiisa.

Taliye Carab Dheeg ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid nasiib darro ah, isagoo xusay in askarta xoogga dalka ee ka dagaallanta furumaha hore ee dagaalka AS sannado badan la iska indha-tiray dalacsiintooda, iyagoo muddo baryay, Wuxuu cambaareeyay falkaas, oo ku sheegay mid niyada iyo kalsoonida ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed jebinaya.

Taliyaha cusub ee Ururka 162-aad Ee Kumaandooska Danab ayaana loo magacaabey Cariif Hire oo kamid ahaa Saraakiisha ururka 162-aad ee fadhigoodu yahay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.