Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si wadajir ah kormeer shaqo ugu tagey Kulliyadda TURKSOM.
Saraakiisha Kuliyadda ayaa Taliyaasha kormeer ahaan u geeyey qeybaha kuliyaddu ka kooban tahay , waxaana warbixin dhamaystiran laga siiyey Ciidamada Boliiska iyo kuwa xoogga Dalka oo si wadajir ah loogu tababaro goobtan.
Dowladda Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya ka saacido tababarka ciidamada iyo waxay kaloo gacan weyn ka geysataa la dagaalanka kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale turkigu waxay Soomaaliya ku deeqeen gawaari dagaal iyo qalab milatari oo oo nuucyo kala duwan leh.

