image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Taliyaha Booliska oo kulan la qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Booliska Soomaaliyed

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah uu la qaatay Saaxibadda Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Booliiska, iyadoo kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socotay Wasaarada Amniga Gudaha iyo Xafiiska Amniga Qaranka.

Kulanka waxaa looga wada hadlay xoojinta taageerada deeq-bixiyaashu ay siiyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee dhinacyada Tababarida Ciidanka, mashaariicda horumarineed iyo ka qeybqadashada Dagaalka.

S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in xiligaan oo lagu jiro dagaalka ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ay muhiim tahay in la helo Ciidan Booliis ah oo la wareega meelaha laga saaro argagixisada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka ee la xiriirta tayeynta dhismaha xarumaha Ciidanka.

Madaxdii ka socotay safaaradaha Mareykanka,Ingiriiska, Talyaaniga, UNSOM, UNSOS POLICE, EUCAP, ATMIS POLCE, UNDP, IOM, UUNMAS, Adam Smith iyo IDLO ayaa dhamaantood bogaadiyay Qorshaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo doorka xafiiska istiraatiijiyadda, si lamid ah howsha dardarta leh ee uu taliyaha wado, iyagoo ballan-qaaday iney booliiska Soomaaliya gacan weyn ka siin doonaan sare u qaadista Aqoonta, tababarka, iyo agabka ciidanka booliiska.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.