image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Suuqa Degmada Afgooye oo Maanta Xiray, Waa Maxay Sababta?

AFGOI (ONKOD ) Maanta oo sabti ah waxaa gabi ahaanba xiran suuqa ugu wayn ee ganacsiga degmada Afgooye ee Shabeellaha hoose , halkaas oo la sheegay in aan wax ganacsi ah aysan ka socon.

Sid ay sheegeen dad halkaas ku sugan goobaha ganacsiga ee maanta xiran ayaa saamayn waxa ay ku yeelatay ganacsatada halkaas ku sugan kuwaas oo sheegay in wax ganacsi ah maanta aysan samayn.

Suuqa Afgooye ayaa sababta uu u xiran yahay lagu sheegay in halkaasi tageen rag sheeganaya in ay leeyihiin milkiyadda dhulka uu kuyaallo suuqa ,taa oo xiisad dhalisay sababna u noqday in saakay xirmo.

Maamulka degmada Afgooye wali wax war ah ma uusan ka soo saarin xaaladda maanta oo sabti ah ka taagan suuqa way nee degmada Afgooye oo gabi ahaanba albaabada loo laabay.

Sawiro laga helay suuqa oo baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujiyanaya goobo badan oo ganacsi oo gabi ahaanba maanta la furan waxaana waddooyinka is taag taagan ganacsatada.

Ciidamo hubeysan ayaana wararku sheegayaan in lagu arkayo Suuqa Afgooye, ganacsatada Suuqa ayaana lasoo daristay xaalad cabsi iyo jahwareer isugu jirta.

Dhawr jeer ayaa sidan oo kal waxa albaabada loo laabay goobaha ganacsiga ee suuqa degmada Afgooye sabab la xiriirta , sheegashada shaqsiyaad ee lahaanshaha dhulka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.