image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Shirka golaha wadatashiga qaran oo galay maalintii labaad

Muqdisho (Onkod Radio) — Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shalay furay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galay maalintiisii labaad, kaas oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, HirShabelle MD Cali Guudlaawe Xuseen.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Deni ayaa isaguna shirka akaga qeyb-galaya aaladda fogaan aragga, ayada oo maqnaashihiisa ay abuureyso tuhuno hor leh.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada loogu saarayaa saddex qoodb oo kala ah; 1-Sugidda amniga dalka, 2- Wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira 3-Iyo la dagaalanka argagixisada, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay Villa Soomaaliya.

Sida uu ogaaday Onkod Radio madaxda labada dhinac ayaa xalay yeeshay kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo dooda taagan iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in shirka maanta la soo xirayo, ayada oo laga soo saari doono war- murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wadahadlayaan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka oo uu maalmihii dambe mad-madow soo kala dhex-galay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.