image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sheikh Mohamed bin Zayed, oo loo doortay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta

Dubai (Onkod Radio) – Sheikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, oo muddo soo ahaa dhaxal-sugaha Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa Sabtida maanta ah, loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dalkaasi, sida ay warisay wakaaladda wararka ee dowladda, waxaana xilkan loo dhiibay maalin ka dib markii uu dhintay madaxweynihii dalkaasi Sheikh Khalifa.

Wakaaladda wararka ee WAM ayaa warisay in Sheikh Maxamed, ay doorteen Golaha Sare ee Federaalka, waxaana uu noqon doonaa hoggaamiyaha dalkan hodanka ku ah saliidda ee sanadkii 1971-kii uu aabihiis aas-aasay.

Sheikh Maxamed, oo ku magac dheer ‘MBZ’ ayaa la kulmay xubnaha Golaha Sare ee Federaalka, oo ka kooban madaxda toddobada imaaradood ee dalkaasi, xilli uu dalkaasi galay baroordiiq loo sameynayo walaalkii ay isku aabaha ahaayeen ee Sheikh Khalifa.

Magacaabistiisa oo ahayd mid si weyn loo filayay ayaa rasmi ah, ka dhigeysa in uu hoggaamiyo dalkan saxaraha ah, ee ay ku nool yihiin toban milyan oo qof, kaddib sannado badan oo uu talinayay sababo la xiriiraa xaalad caafimaad darro uu haysay madaxweynaha geeriyooday ee Sheikh Khalifa.

AFP

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.