image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan kula qaatay Baydhabo odyaasha dhaqanka Koofur-Galbeed

Baydhabo (Onkod Radio) – Sheekh Aadan Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo ku sugan Baydhabo ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa laba arrimood kala hadlay odayaasha dhaqanka kuwaasoo kala ah shirka dib u heshiisiinta ee uu isagu iclaamiyay iyo dagaalka Al-Shabaab.

Sheekh Aden Madoobe ayaa ugu horreyn odayaasha dhaqanka kala tashaday arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyagoona u sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin shirkaasi.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka in ay door muuqdo ka qaataan sidii  Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Odayaasha ayaa dhankooda ka dalbaday Sheekh Aadan Madoobe in lagu dhawaaqo maalinta uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, taasoo ay gol-lahaayeen in go’aan laga soo saaro xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan tan doorashooyinka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii danbe wajahayay xaalado adag, kadib muran dhanka doorashada ah oo ka dhashay doorashada ku soo fool leh maamulkaasi.

Ugu danbeyn xaaladda ayaa ka sii dartay markii xubnaha mucaaradka ee fadhigooda yahay Muqdisho ay ka biyo diideen muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.