image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Shahaado qaadashada Musharraxiinta Guddoonka Golaha Shacabka oo Muqdisho ka socota.

Muqdisho (Onkod Radio) – Waxaa Magaalada Muqdisho  ka socota Diiwaangelinta Musharixiinta u tartameysa Guddoomiyaha Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo ku xigeennadooda sida uu sheegay Guddiga BFS u qaabilsan Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 11aad.

Guddiga qabanqaabada doorashoyinka Guddonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaadada musharraxnimo gudoonsiyey musharrax Guddomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid ah musharaxiinta dooneysa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS.

Aadan Madoobe ayaa mar soo noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madoobe ayaa ka mid ah Xildhibaannada ku matalaya Baarlamaanka 11aad Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay Maxamed Cumar (Caananuug) oo ka mid ah musharaxiinta u taagan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 27 April 2022, ayada oo ay ku egtahay isdiiwaan galinta musharaxiinta u hanqal taageysa qabashada shirguddoonka Golaha Shacabka 21 Bishaan oo ku beegan maalinta Sabtida.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.