image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Shabaabkii lagu soo jibiyay dagaalada Shabeellaha Dhexe oo buux dhaafiyay…

Sida wararka soo baxya ay sheegayaan Al-shabaabkii ugu badnaa ayaa buux dhaafiyay deegaano ku yaalla gobollada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in deegaanada Koonur Galbeed lagu arkay Al-shabaab aad u hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo la tilmaamay in ay yihiin kuwii lagu soo jebiyay dagaalada maalmihii lasoo dhaafayay ka dhacayay deegaano katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Generaal Xasan Isaaq Cumar oo ah Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad, ayaa warbaahinta u sheegay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa ay Al-shabaab ka wadaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, balse waxa uu sheegay Taliyaha in ay ka hortagi doonaan dhibaatooyinka ay la damacsan yihiin shacabka Koonfur Galbeed.

“Waan la soconaya in cadowga nabadiidka in loo soo jibayay xaggeenna waana cadowga galbkiisa dhacay, markii jab adag loo geystay  waxa ay bilaabeen in ay u soo firxadaan Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobollada Baay iyo Bakool oo hadda ay dhaq dhaqaaq ka wadaan, waxaan rabnaa in aan ka hortagno qorshahooda aana iska dhicino, waana jibin doonaa cadowga sida loogu soo jibiyay deegaanada kale,” ayuu yiri Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada xoogga ay heegan buuxa ku jiraan, isla markaana ay ka hortagi doonaan culeysyada ay Al-shabaab soo saareen deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.