image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sawirro: Raiisul Wasaare Xamsa Barre oo shir guddoomiyay shirka deyn cafinta

Muqdisho (Onkod Radio) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeyahay horumarka dalka iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii dhammaan sharciyada hortebinta u leh deyn cafinta la dhammeystiro oo baarlamaanka la marsiiyo ugu dambeyn dhammaadka sanadkaan si shuruudaha xilligaan ku xiran ay Soomaaliya u buuxiso looguna gudbo shuruudaha xiga.
Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu caddeeyay in xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta ay qeyb weyn ka qaadanayaan qorshaha horumarinta dowladnimada ee xukuumaddu waddo, waxuuna dhammaan wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta ay si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda dadaallada socda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale amray wasiirrada inay si xooggan ula dagaalaan musuqa si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseedda in ay sare u kacdo heerka aaminaadda bulshada iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha Soomaaliya.
Ka guul gaaridda barnaamijka deyn deyn cafinta dalka ayaa horseedaya in dhammaan hey’adaha maaliyadda adduunyadu ay aamintaan dalkeenna, la helo maal-gelin heer caalami ah, abuurmaan shaqooyin badan oo dhallinyarada fursad siinaya, si wax-soosaarka guduhu uu sare u koco, dhaqaalaha dalkuna uu kobco.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.