image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sawirro: Axmed Madoobe oo xildhibaannada laga soo doortay Jubbaland ka codsaday inay deegaannadooda ku laabtaan

Muqdisho (Onkod Radio) — Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada, senatorada iyo wasiirada Jubbaland ku metala dowladda dhexe.

Kulanka ayaa yimid, kadib casuumaad uu madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland u sameeyey xubnahan, iyaga oo kadib iska xog wareystay xaaladda guud ee Jubbaland.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa kala warqaadasho iyo dardaaran uu Axmed Madoobe u jeediyey masu’uliyiinta kala duwan ee Jubnaland ku matala dowlada federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale hal arrin ka codsaday xubnaha uu la kulmay, taas oo ah inay dib ugu noqdaan deegaannada laga soo doortay ama ay wakiilka ka yihiin, si ay ugu kuurgalaan xaaladaha ka jira halkaasi, maadaama ay ku dhufatay abaar baahsan.

Sidoo kale wuxuu kala hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo shaaca ka qaaday in howlgallo culus ay dhowaan ka billaabanayaan deegaannada Jubbaland.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii xildhibaannada iyo xubnaha kale ee Jubbaland ku matala Dowlada Federaalka ah ay ugu soo noqon lahayeen deegaanka isla markana ay ugu kuur gali lahayeen dadaallada socda iyo howlgallada dhowaan billaabanaya ee lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.