image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

SAWIR GUUD Natiijada Kaamirooyinka goobaha ganacsiga ee Muqdisho.

Muqdisho (ONKOD) Meelo badan oo magaalada Muqdisho ah waxaa lagu dhejiyay  kaamirooyinka wax basaasa ka dib amar ka soo baxay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Inkastoo meelo ka mid ah caasimada ay ka dhaqan gashay , hadana taas waxa ay keentay in meesha uu ka baxo ganacsiyo markii hore jiray oo ay ku tiirsanayeen qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Intaas waxaa sii dheer in natiijo aan wanaagsanayn ay ka dhalatay in goobaha ganacsiga caasimadda lagu dhejiyo kaamirooyinkana , waxaana la burburiyay goobo ganacsi oo magaalada ah.

Magaalada waxaa ka jira cabsi ay qabaan ganacsatada sabab la xiriirta iyaga oo aan haysan hubinti amni  maadam indhahooda ay ku arkeen saxiibadooda oo laga qarxiyay goobahooda ganacsi.

Waxaa intaas dheer in qalqal uu ka jiro ganacsiga magaalada Muqdisho waxaana jira laba awoodood oo is haya oo Al- Shabaab iyo Dowladda ah taasna waxa ay keentay caqabad kale oo xaga ganacsiga ah.

Hadalada hadda soo baxaya waxa ay tilmaamayaan in suuqa Bakaaraha  uu ganacsigii intiisa badan albaabada loo laabay kuwo kalena la qarxiyay halka inta joogtana ay qabaan cabsi.

Dhawr qaraxyo ah ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan goobo ganacsi oo lagu xiray taas oo ka dhalatay natiijada kaamirooyinka lagu xiray meelo ka mid ah caasimadda.

Qorshe la’aanta Hay’adaha amniga ee Dowladda ayaa la sheegayaa in ay horseeday in qalqal uu galo ganacsiga caasimadda in la xiro goobo ganacsi iyo in la dilo ganacsato taaso oo cabsida kordhisay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.