image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Onkod Radio ) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho ay koox hubeysan maanta ka geysatay qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Toogashada oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa barqanimadii maanta ka dhacday xaafad ka tirsan degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Laba Xidigle Aadan Cismaan, waxaana lagu dilay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla degmada Dharkenley.

Ragga dilka fuliyey oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goobta isaga baxsaday kadib dhacdadaasi, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale goor dambe gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dilkaasi.

Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa haatan deggan, waxaana falkan uu qayb ka noqoyanaa falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dilkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhinaca kale ciidamada dowladda, ay howlgallo ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ugu dambeeyay Warta Nabadda oo xalay baaritaanno xooggan ay ka sameeyeen ciidamada Booliska Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.