image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Safiirka Mareykanka oo shaaciyay arrin ka go’an madaxweyne Xasan

Muqdisho (Onkod Radio ) – Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay inay madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ay ka go’an tahay in uu mustaqbal wanaagsan u horseedo Soomaaliya.

Larry Andre oo dhowr jeer la kulmay madaxweyne Xasan ayaa waxa kale oo uu ku tilmaamay in uu yahay hogaamiye Qaran oo leh aragti, islamarkaana yaqaan sida wax loo hogaamiyo.

“Waxaa sharaf ii aheyd in aan la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh markii uu ahaa Murashaxa oo waxaa wada-sheekeysi wanaagsan ku yeelanay Safaarada, waxa uu iga waramay aragtidiisa wadanka iyo waxa uu doonayo isaga oo metelaya shacabka Soomaaliyeed, muhiimad ayuu siinayay in wadar-ogol wax ku maamulo,” ayuu yiri Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan ay qorshaha ugu jirto in xiriir wanaagsan oo guuleysta uu la yeesho dowlad goboleedyada, si ay horumar uga sameeyan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Wax ka qabashada Abaaraha iyo socod-siinta howlihii ay ka tagtay dowladdii hore.

“Waxa uu ku jiraa marxaladii dowlad dhisida isaga oo ka fikiraya dadkii kusoo biiri lahaa si nolol fiican ugu abuuri lahaayeen dhamaan Soomaalida, waa la dhacay in uu yahay hogaamiye Qaran oo leh khibrad iyo aragti oo ku dhiiran in uu mustaqbal wanaagsan gaarsiiyo Soomaalida.”

Waxa kale oo uu sheegay in mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee madaxweynuhu uu mudnaanta siinayo ay tahay wax ka qabashada dhibaatada bani’aadaminnimo ee ka dhalatay abaaraha.

Larry ayaa ugu dambeyntiina hoosta ka xariiqay in Mareykanka uu taageeradiisa la garab taagan yahay dowladda Xasan Sheekh, islamarkaana ay si dhow ula socon doonaan dhismaha dowladnimada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.