image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

RW Xamsa oo sheegay in baahi loo qabo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta wasaaradaha Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa  xilalka ugu kala wareejiyey Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ay kaalin muhiim ka qaadanayso dadaalka adduunyadu ugu jirto in xal waara loo helo saameynta isbeddelka Cimilada iyo wax-ka qabashada iyo maareynta dhibaatooyinka deegaanka, halka dhinaca kale Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka uu sheegay inay fure u tahay ilaalinta xuquuqda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Sidoo kale Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta wasaaradaha, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka Xukuumadda ee ku saleysan horumarinta deegaanka, isbeddelka cimilada, kobcinta xuquuqda aadanaha, iyo taageerada bulshada nugul.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada Wasiir uga mahadceliyey shaqadii muhiimka ahayd ee ay soo qabteen, wuxuunna kula dardaamay inay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan si hufan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.