image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Rooble oo xog culus ka bixiyay ninkii fuliyey dilka xildhibaan Aamina iyo habkii loo dilay

Muqdisho (Onkod Radio ) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa markii ugu horreysay bannaanka u soo saaray xog uu sheegay in uu ka ogyahay qofkii isku qarxiyay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, oo si weyn ugu doodi jirtay caddaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil.

Rooble, oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-ka Soomaaliga ee VOA, ayaa sheegay in qofka  dilay laga soo qaaday gobol kale oo la keenay Beledweyne, islamarkaana ay cid gaar ah, ka dambeysay dilkii Xildhibaanadda.

“Aamina, dadka dilay waxaa la dhahaa gobolo kale ayaa laga soo qaaday, Saddex Xildhibaan ayaa meesha martay oo Xildhibaan Aamina ka dambiyo badan marka loo fiiriyo dhanka Shabaabka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Ninka waxa la ii sheegay in uu dhahayay qofka meesha soo maraba ma Aamina. Inta aan taariikhdeeda ka hayno Aamina mar ay kooxahaas argagixisada iyo Shabaab wax ka sheegtay lama haayo.”

“Dadkii argagixisada baabi’nayay ee la dagaallamayay waa kuwa meesha soo maray ee Xildhibaanadda raadinayay oo dariiqaas lug kusoo maray, ayaga bartilmaameed uma aheyn ee Aamina ayay aheyd bartilmaameedkiisa.”

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in dilka Xildhibaan Aamina, ay ka dambeeyen kooxaha argagixisada iyo Al-Shabaab, sidaas darteedna ay la xiriirto dilkii Ikraan, oo ay si weyn ugu doodi jirtay caddaalad u helideeda.

“Gabadhaan kuwii Ikraan dilay ayaa ka dambeeya maalina wuu kasoo saarayaa Ilaahay, oo taasa aaminsanahay wey kasoo baxeysaa.”

Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, ayaa waxaa habeennimadii 23 March ee sannadkaan lagu dilay magaalada Beledweyne.

Qof naftiisa halligay ayaa isku qarxiyay Xildhibaan Aamino, oo isla goobta ku geeriyootay.

Xildhibaan Aamino, ayaa xilligaas Beledweyne, u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horay ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyay shaki badan, maadaama ay u dakanowday kiiska Ikraan Tahliil, oo si hagar la’aan ah, ay ugu doodi jirtay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.