image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ra’isulwasaare Rooble, oo hoygiisa ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Onkod Radio Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynaha cusub ee dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Rooble ayaa hambalyo iyo salaan ugu tegay Madaxweynaha, sida lagu shaaciyay qoraal uu soo saaray xafiiska Ra’iisul Waaaaraha, sidoo kalena Rooble ayaa Alle uga baryay xilka qaran ee loo dhiibay inuu Alle ku garab galo.

“Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa caawa booqasho hambalyo iyo salaan ah ugu tagay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo xilka Qaran ee loo doortay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xasan Sheekh oo xalay loo doortay madaxweynaha dalka ayaa maanta sameeyey kulamo culus oo uu la yeeshay madaxda kale dowladda, sida guddoomiyaha golaha shacabka, saraakiisha ciidamada xoogga iyo booliska, Ra’iisul wasaaraha iyo siyaasiyiin kale.

Wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga, Waxbarashada iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa Ra’iisul wasaaraha ku wehliyey booqashadaan uu ugu tegay Madaxweynaha cusub ee dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay halgamaa Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo Muqdisho ku sugan, Qalbidhagax ayaa galabta Madaxweynaha ku booqday hoygiisa, isagoo hambalyo ugu tegay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.