image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ra’isiisul Wasaare Xamza Barre, oo tallaabo qaaday, kadib weeraradii Al-Shabaab

Muqdisho (Onkod Radio) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday gobolka Bakool, kadibna u sii gudbay dhanka xadka dalka Itoobiya.

Xamza oo amar soo saaray, kadib weerarkaas ayaa maanta ay fulisay wasaaradda gargaarka, waxayna deeq gargaar u ah dirtay shacabka ku dhaqan gobolka Bakool.

Deeqdaan oo diyaarado looga qaaday garoonka Aadan Cadde ayaa isugu jirto raashin iyo daawo, sida ay shaacisay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dalka.

“Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bixiyay amarka maanta gargaarkada raashiinka iyo daawa loogu diray shacabka ku ku nool gobolka Bakool, iyadoo wasaaradda gargaarka amarkaas si deg deg ah ku fulisay,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Horey ra’iisul wasaaraha oo si adag uga hadlay weerarada Al-Shabaab ee u gudbay dhanka Itoobiya ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay qaadi doonaan howlgal cusub oo ka dhan ah kooxdaasi, wuxuuna sheegay in ciidamada dowladda ay bixin doonaan jawaab deg-deg ah.

Dhanka kale gargaarka ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, xilli Bakool ay haatan ka jirto xaalad bani’aadanimo oo daran, taas oo ka dhalatay abaarta ka jirta dalka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.