image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Raila Odinga: Looma turi doono cid kasta oo lagu helo musuq maasuqa

Nairobi (Onkod Radio) – Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, ayaa sheegay inaan cidna looga turi doonin ololaha ka dhanka ah musuq-maasuqa ee uu ballan qaaday inuu sameyn doono haddii loo doorto madaxweynaha doorashada Kenya ka dhaceysa bisha soo socota.

Kenya ayaa kaalinta 128-aad kaga jirta qiimayntii ugu dambaysay ee musuqa-maasuqa ee hay’adda Transparency International ay samaysay.

Raila oo 77-jir ah ayaa u sheegay BBC-da inuu sidoo kale soo bandhigi doono tallaabooyin dhaqaale oo uu dib u habeyn uu ku sameyn doono deymaha si loo badbaadiyo dhaqaalaha.

Iyadoo wax ka yar bil ay ka harsan tahay doorashada dalka Kenya, ayaa ololaha doorashada wuxuu hadda yahay mid aad u kulul.

Madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta ayaa hadda dhammaysanaya muddo xileedkiisii ugu dambeeyey, sidaa darteed tartanka madaxtinimo ayaa u dhexeeyaa ku xigeenkiisa William Ruto iyo hogaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka Raila Odinga.

William Ruto ayaa dhankiisa sheegay in uu awood u leeyahay wax ka qabashada caqabadaha haysta dalka Kenya oo aysan waxbo u dhimayn waxyaabihii uu ka gaabiyey madaxweynaha haatan talada haya Uhuru Kenyata.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.