image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ra’iisul Wasaare Rooble oo furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka

Ogoosto 21, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka oo maanta ka furmay caasimadda Muqdisho.

Shirka ayaa looga arrinsanayaa dhammeystirka dhaqan-gelinta heshiisyadii laga gaaray hannaanka doorashooyinka, diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka iyo xaqiijinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka.

Furitaanka Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay madaxda Dowlad Goboleeyada aan dhammeystirin Hannaanka Doorashooyinka Aqalka Sare in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare, si looga baaqsado dib u dhac kale, loona fuliyo jadawalka doorashooyinka

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.