image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Qaramada Midoobay ayaa ka dalbatay DFS inay si deg deg ah, u joojiso

Muqdisho (Onkod Radio) – Khabiirka Madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Marwo Isha Dyfan, ayaa ugu baaqday xukuumadda Soomaaliya, inay si deg deg ah, u joojiso dhammaan xukunnada dilka ah.

Isha ayaa baaqan jeedisay kadib markii ay booqasho ku tagtay Soomaaliya 28-kii Maarsho illaa 2-dii April, taasi oo ay ugu kuurgashay xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Khabiirka ayaa dhaliishay sida loola dhaqmo iyo xaaladaha ka jira jeelasha Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegtay “inay aad uga hooseeyaan heerka caalamiga ah.”

“Xabsiyadu aad bay u buux dhaafiyeen dadka waawayn iyo kuwa aan qaan-gaarin ee la xirxiray mar walbana lama kala saaro. Waxaa ka sii daran, ciqaabta dilku waa ciqaab sharci ah, joojinta isticmaalkeeduna ma jiro. Waxaan u soo jeedinayaa Xukuumadda inay joojiso dhammaan xukunnada dilka ah, isla markaana la dhaqan geliyo hakin KMG ah oo ku saabsan xukunka dilka ah, taasoo ah tallaabada ugu horreeysa ee lagu tirtirayo ciqaabta dilka ah,” ayey tiri Isha Dyfan

“In kastoo caqabadahaasi ay aad u baaxad wayn yihiin, haddana dowladdu waxay xoojisay qaab-dhismeedkeeda hab-dhaqaneed iyo midka hay’addeed si wax looga qabto horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan dhinaca sarreeynta sharciga iyo maamulka caddaaladda,” ayay tiri.

Isha Dyfan, ayaa sidoo kale ugu baaqday Xukuumadda Soomaaliya, inay horumariso dadaallada lagu ciribtirayo guurka carruurta, kan degdega ah, iyo guurka khasabka ah, iyo ilaalinta xuquuqda gabdhaha meelaha jilicsan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.