image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Nin Soomaali ah oo loo dilay $20 keliya Waddanka Mareykanka

Indianapolis (Onkod Radio) — Muwaadin Soomaaliyeed oo ahaa darawal taksi ayaa lagu dilay magaalada Indianapolis ee gobolka Indiana ee dalka Mareykanka Sabtidii, waxaa sidaas sheegtay waaxda booliska magaalada ee IMPD. 

Saraakiil ka tirsan IMPD ayaa xiray nin lagu magacaabo James Riley oo 30 jir ah iyo Alysianna Martin oo gabar 29 jir ah, kuwaas oo loo haysto inay ka dambeeyeen dilka. 

Waxyar kadib 4:00am subaxii Sabtida ee 10-kii September, qof ayaa soo wacay number-ka 911, isaga oo ku wargeliyey in meel u dhow halka ay iska galaan waddooyinka 11th iyo New Jersey uu yaallo baabuur muddo badan albaabadiisa furan yihiin. 

Markii booliska IMPD ay yimaadeen, waxay heleen meydka Cabdulaadir Filanwaa oo yaalla kursiga darwalka, ayada oo baabuurkuna uu daaran yahay, sida lagu sheegay warbixinta booliska.

Waaxda caafimaadka ayaa shaacisay in Cabdulqaadir Filanwaa oo 55 jir ahaa uu isla goobta ku dhintay.

Sida ku cad warqadaha maxkamadda, kaamiro ku dhegneyd taksiga ayaa duubtay Riley iyo Martin oo soo galaya gaariga. Kadib waxaa la arkay Riley oo lasoo baxaya bastoolad oo dhinaca ka saaraya Cabdulqaadir, kuna amraya inuu goob cayiman u kaxeeyo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.