image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muxuu yahay heshiiska cusub qatar iyo DFS, ay kala saxiixdeen

Muqdisho(Onkod Radio) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, oo ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qadar, oo uu kaga qayb galayo Shirka Madasha Dooxa, ayaa waxa uu Heshiis Is-afgarad ah, (MOU) la galay dowladda Qatar.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga dhanka waxbarashada ee Dowladaha Soomaaliya, iyo Qadar, la saxiixday Hay’adda Qatar Fund.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ah mid lagu taageerayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed, kuwaas oo aan fursadda u helin in ay aadan dugsiyada, ayada oo sidoo kale kor loogu qaadayaa tayada waxbarashada dalka iyo la dagaallanka heerka jahliga ee bulshada Soomaaliyeed.

“Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ah waa mid aan ku dardar gelinayno dadaalka aannu ku bixinayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsiinno waxbarasho tayo sare leh, sidoo kale na kaga fogaanayno in jiilal badan oo gaaray xilligii waxbarashadu ay seegaan dugsiyada,” ayuu yirii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.

Munaasabadda lagu saxiixayey Heshiiskan is-afgaradka ah, waxaa sidoo kale ka qayb galay, Danjiraha Dowladda Soomaaliya u jooga dalkan Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, La Taliyaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Siciid Jaamac Guuleed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadihii la soo dhaafay dadaal buuxa gelisay kor u qaadidda tayada Waxbarashada dalka,  iyada kor loo qaaday miisaaniyadda waxbarashada, lana diyaariyay manhaj waxbarasho oo ka kooban dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, sidoo kalena waxbarasho lacag la’aan ah, ayaa loo fidiyay kumannaan da’yar Soomaaliyeed ah.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.