image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muxuu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh ganacsatada uu xalay la kulmay ?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay casho sharaf la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u doonayaan hirgelinta qorshaha Muqdishada cusub oo beddeli doonta muuqaalka caasimadda.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in mashruucan waddaniga ah uu yahay mid dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ku yeelanayan, taas oo xaqiijinaysa in qorshahan uu noqdo mid Soomaali leedahay, oo berito ay ku faani karaan jiilasha soo socda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ganacsatada uga mahadceliyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dalka, gaar ahaan doorka ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xoojinta nabadda. Waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay si hagar la’aan ah u bixiyaan canshuurta, ugana qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhankooda ballanqaaday in ay kaalin weyn ku yeeshaan mashaariicda qaranka, iyagoo ka duulaya qorsheyaasha lagu xoojinayo dib u dhiska iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.