Muqdisho (Onkod Radio) Musharax madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa uga digay saraakiisha ciidamada inay joojiyaan ugaarsiga dhallinyarada, uguna baaqay inaysan u adeegin nidaam waqtigiisa dhamaaday.
Shir jaraa’id oo Golaha Mucaaradka ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Raisul Wasaarihii Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay la socdaan wax walba oo ciidamada sameynayaan, isagoo sheegay in uu ka mid ahaa dadkii xoogga ku bixiyay in ay ciidanka meesha ay joogaan ay gaaraan.
“Wiil dhallinyaro oo gurigiisa ka soo baxay in aad ugaarsataan, qof walba oo qofsoo xira waan garaneynaa, dhallinyaradaas waxaan leenahay ka jooga oo yaan god la idinku ridin.” Musharax madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa yiri.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay wadday olole ay ku xirxireyso dhallinyarada dhaliila dowladda, iyadoo qaarkood ay weli xabsiyada ku jiraan

